Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Khasaaraha ka dhashay

Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa warramaya in goordhaweyd uu  Qarax ka dhacay halkaasi, waxaana jira khasaao dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Qaraxaasi.

Qaraxa oo ahaa Miinada  Dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay  meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf, waxaana wararku intaas ku darayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray dadkii ka ag dhawaa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in  Qaraxaasi uu ku dhintay hal ruux oo ahaa Darawal gaari, waxaana ku dhaawac may tiro intaas ka badan, Qofka dhinta ay ayaa darawal ka ahaa Gaari noociisu yahay iska rago, kaasi oo marayay halka wax ka dhaceen, waxaana Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay Magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland.

wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxaasi ka dhashay, balse laamaha amaanka ayaa baaritaanno wada, waxaana la filayaa in ay ka warbixiyaan.

Halkaan KALA SOCO.