Qarax ka dhacay Gobolka Mudug iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas uu qarax ka dhacay.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Maqaaxi Shaaha laga cabo oo ku taalla deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale dad ku sugaan meel ku dhow Maqaaxida ayaa soo weriyay in qaraxaas uusan geysan wax Khasaaro ah, maadaama xiliga qaraxu dhacaayay aysan Maqaaxida dad joojin, balse waxaa la maqlay oo kaliya jugtiisa.

Shalay ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha lagu qaaday Saldhig Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, waxaana qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay deegaanka Bacaadweyn, waxaana halkaas ku geeriyooday Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media