Qarax Goordhow ka dhacay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas Goordhow qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa Ciidanka dowladda lala eegtay xili ay lugeynayeen halka loo yaqaano Cadceed oo duleedka ah deegaanka Janaale, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Cadceed ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray Ciidanka, In kastoo aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda ay kasoo baxeen Janaale, iyagoona soo aaday halka qaraxa uu ka dhacay, sidoo kalena wada howlgal miino baaris ah.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer waxaa qaraxyo lagula eegtay duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxyadaas  Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.