Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu dhowr daqiiqo kahor oo Caawa uu ka dhacay wadada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa ku sheegay in qaraxaas lala eegtay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka, xili uu mararay wadada Afisyooni ee  degmada Xamar-Jajab.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Sarkaalka lala eegtay qaraxaas lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan uu dhaawac soo gaaray iyo Askar la socotay, kuwaasi oo xarun Caafimaad loola cararay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo tegay goobta ayaa xiray aaga oo dhan, isla markaana dadka iyo gaadiidka u diidaya inay maraan wadada, sidoo kalena wada baaritaano kala duwan.

Ilaa iyo hadda laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadli qaraxaas Caawa ka dhacay wadada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor