Qaramada Midoobey oo xarun cusub ka furanaysa Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb  ee Caasimada Galmudug waxaa maanta soo gaaray xubno ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya, xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaanno iyo khubaro amni ayaa waxaa hoggaaminayey  Tomoko kubota, iyadoo ujeedka socdaalkoodu   la-xiriiray hubinta iyo sahminta  halka loo asteeyay inay noqoto xafiiska QM ee Galmudug.

Kaddib howlgalkooda u kuurgelidda iyo sahminta ee xaruntooda Galmudug, waxay xarunta madaxtooyada ku la kulmeen madaxweyne Ku xigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid oo si diiran usoo dhaweeyey  isla markaana bogaadiyay in UN ay soo degaan Galmudug.

” Waan soo dhaweynaynaa  in hay’daha kala duwan ee QM ay ka howlgalaan Galmudug, xafiisna ay ka furtaan, sii ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, si dhawna ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Galmudug” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Wakiilka QM U qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa booqashadii dhawaan uu ku yimid Galmudug wuxuu ballanqaaday in hay’adaha UN sida ugu dhaqsiyaha badan usoo degi doonaan Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor