Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Xaaladda Deg-degga ee lagu rogay Itoobiya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda degdegga ah ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric Guterres ayaa waxaa uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya iyo ku dhawaaqista xaalada degdeg ah oo dhowaan lagu soo rogay,

Xaalada degdega ah ayaa timid kadib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada xili ay sii kordhayaan iska horimaadyada ay kula jiraan jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Jabhada Oromada ee Shene (OLA-shene).

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah 29-kii Juun, waxayna kala baxday ciidamadeeda Tigrayga, ka dib ciidammada fallaagada ayaa isku fidiyay gobollada ay dariska yihiin ee Amxaarada iyo Canfarta.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ka digaysa masiibo bini’aadantinimo.

Guterres ayaa ku celceliyay ” baaqiisa ku aadan in si deg deg ah loo joojiyo colaada, gargaar bini’aadantinimo oo aan xadidneyn si loo gaarsiiyo gargaar nafo lagu badbaadinayo oo deg deg ah, iyo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xaliyo dhibaatadan loona abuuro aasaaska nabadda iyo xasiloonida dalka oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeen Dujarric.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor