Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Tallaabooyin ay qaaday DFS

Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaaliya ee (UNSOM) ayaa War kasoo saaray sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 oo dhawaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Federaalka, isla markaana lagu ansixiyay sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadda lagu ansixiyay sharcigaas ay aheyd mid loo baahan yahay oo lagula dagaalamayo Musuqa, isla markaana lagu joojinayo Dacaadnimada Hay’adaha, Khibradaha Adeegyada Rayidka,  Hubinta Maaraynta Hufan ee Maaliyadda Dowladda iyo Dhiirigelinta dhaqanka.

Dhinaca kale Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka iyo sida ay uga Go’an tahay inay la-dagaalanto Musuq-maasuqa, Awood-u-helida marin Caddaaladeed iyo in la dhiso kalsooni lagu aamino Hay’adaha Dowladda.

Isaga oo sii hadlaayay James Swan ayuu Carabka ku dhiftay Qaramada Midoobay ay Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira ku dhiira-gelineyso tallaabooyinka muhiimka ah ee horey loo qaadayo, wuxuuna xusay inay taageerayaan Horumarinta Sharciga iyo Jadwalka shaqo ee Hay’addaha Dowladda.

Si kastaba Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media