Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada ee Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ay tacsi u dirtay eheladii dadkii ku dhintay qaraxaas oo tirro ahaan gaarayay 8 ruux oo kamid aheyd haweeney ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegay “waxaan markasta garab taaganahay dhammaan Soomaalida si looga hortago falalka argagaxisada ah ee foosha xun”.

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhimatay qaraxa, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyada qaraxaas Is-miidaaminta ahaa sheegtay Al-shabaab , iyaga oo tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uiliyiin ku socotay Madaxtooyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor