Qaramada midoobay oo war kasoo saartay heshiiskii ay gaareen farmaajo iyo Rooble

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo goordhow qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay heshiiskii ay dhawaan gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mxaamed Cabdulalahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare maxamed Xuseen Rooble.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay sida ay labada mas’uul u xaliyeen khilaafkii aksoo dhex Cusboonaaday, waxaaan uu intaasi ku daray in ay soodhaweynayaan tallaabada ay qaadeen farmaajo iyo Rooble.

James Swan ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysan doonto sidii heshiisku uu u noqon lahaa mid mira dhala iyo sidii dib loogu laaban lahaa wadadii loo baahnaa, hanaanka doorashada loo amba-qaado.

Madaxweyne farmaajo iyo RW Rooble ayaa dhawaan heshiis ka gaaray arrimo dhowr ah oo ay markii hore isku khilaafeen, waxaana khilaafku uu salka ku hayay xiisaddii ka dhalatay kiiskii Marxuumad Ikraahin Tahliiliyo xil ka qaadistii  Taliyihii nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, kaasi oo uu Ra’iisul Wasaare maaxmed Xuseen Rooble xilka ka xayuubiyay kadib dilkii Ikraan tahliil.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor