Qaramada Midoobay oo soo saartay war-saxaafadeed ku aaddan Ciidul Adxada

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa hambalyo ku aaadan muanasabadda ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhammaan Soomaalida u rajaynayaan “Ciid Wanaagsan.”

“Hambalyo diirran oo ku aaddan Ciidul Adxaa ayaa idin kaga imaanaysa bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed kala qayb qaadanaynaa xuska maalintan iyo rajadooda ku aadan dib u heshiisiinta, naxariista, midnimada iyo nabadda. “Ciid Wanaagsan”

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor