Qaramada Midoobay oo soo saartay Baaq ku socda Madaxda Soomaalida

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah (IDPD), Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku boggaadisay maamullada Soomaaliya horumarka ay ka gaareen aqoonsiga xuquuqda dadka naafada ah, waxayna ku dhiirigelisay inay sii xoojiyaan guulaha ay gaareen.

“Sannadkii 2019-kii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah – tani waxay arrin taariikhi ah u ahayd Soomaalida naafada ah iyo qoysaskooda, waana mid muujinaysa sida ay dalkooda uga go’antahay horumarinta, ilaalinta, iyo hubinta in dhammaan dadka naafada ah ay si buuxda oo siman ugu naaloodaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah,” ayay tiri ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Si loo helo bulsho si dhab ah loogu wada dhan yahay, caqabadaha jireed iyo is-gaarsiinta waa in meesha laga saaraa, lana dejiyo sharci  ku saabsan xuquuqda naafada, iyo sidoo kale dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay in arrintan ay dhacdo.

Qarammada Midoobay ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay sii waddo dadaallada la doonayo in arrimaha naafanimada lagu daro horumarka dalka, waxayna diyaar u tahay inay taageerto,” ayay raacisay Mw. Gbeho, oo sidoo kale hadda ah Madaxa Sii Hayaha ah ee Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Iyadoo sanad walba la xuso 3-da Disembar, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Naafada sannadkii 1992. Maalintu waxaa looga golleeyahay in kor loogu qaado fahamka arrimaha naafanimada iyo laguna abaabulo taageerada sharafta, xuquuqda, iyo fayo-qabka dadka naafada ah. Waxaa kale oo ay doonaysaa inay kordhiso ka warqabka faa’iidooyinka laga helo isdhexgalka dadka naafada ah dhinac kasta oo siyaasadeed, bulsho, dhaqaale, iyo nolol dhaqameed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor