Qaramada Midoobay oo shir ka yeelaneysa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Waxaa Maanta galinka dambe la filayaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay isugu yimaadaan kulan xasaasi ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashada oo maraysa marxalad billaw ah.

Kulanka ay maanta galinka dambe isugu imaan doonaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hadal ka jeedin doona mas’uuliyiin kala duwan oo ay qayb ka yihiin  Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira.

James Swan ayaa la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu kulanka ka jeediyo, waxaana si gaar ah uu kaga warbixin doonaa arrimo ku aaddan doorashada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale inta kulanku socdo lagu faaqidi doono sidii Dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada amniga iyo doorashooyinka, ee haatan sida habsamida leh dalka kaga billawday.

Sidoo kale waxaa la filayaa in dhankiisa uu warxin ka jeediyo shirka Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, kaasi oo dhankiisa ka warbixin doona waxyaabaha kaga degsan dhanka AMISOM iyo qorshaha guud ee Qaramada Midoobay ee doorashada Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Howlgalka nabad ilaalinta.

Kulanka ay maanta isugu imaanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xili Soomaaliya ay ka socoto doorashada aqalka sare, taasi oo maamulada Qaar ay wali harsan yihiin, halka inta badan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo doorteen xubnaha ku matali doona aqalka sare ee Baarlamaanka soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor