Qaramada Midoobay oo maalmo kadib War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

War qoraal ah oo uu soo saaray 26-kii Nofeembar, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay weerarkii khamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa si adag u cambaareeyey weerarka, oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid argagixiso, kaasi gallaaftay nolosha dad badan, waxaana lala beegsaday kolonyada ka tirsan Qaramada Midoobay, oo marayay ka soo horjeedka Dugsiga Mucaasir ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyey waxyeello badan.

Xog-hayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadki geeriyooday waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwo ku dhaawacmay. Waxa uu ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay caddaalada hor keenaan kuwi ka dambeeyey weerarka.

Xog-hayaha Guud waxa uu intaa ku daray in uu taageero iyo garab-istaagga Qaramada Midoobay u muujinayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraanw waxa ay ugu yeeraan Argagixisada.

War-saxaafadeedkan waxaa 26-ki Nofeembar 2021 soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM