Qaramada Midoobay oo farriin u dirtay Madaxda DF iyo M/Goboleedyada

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa waxa lagu sheegay inay ka war hayaan kulankii Madaxda ku yeesheen Afisyooni oo ay ku tilmaameen kulankaas inuu ahaa mid hordhac u ah Shirka la qorsheeyay ee Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Qaramada Midoobay ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay yeeshaan kulamo  dheeraad ah oo lagu xalinayo khilaafyada taagan iyo sidii daah-furi lahaa  Shirka Madaxda oo lagu dhameystirayo fulinta heshiiskii 17-kii September ee la gaaray.

“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa  Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo  qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen  Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka; waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo  kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu furmay Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, isla markaana shirkaas ay maqlaayeen Puntland iyo Jubbaland, isagoona ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan.

Si kastaba Madaxweyneyaasha Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shirk aka dhacay Teendhada Afisyooni, iyagoona shuruudo ku xiray ka qeyb galkiisa, wallow ay socdaan dadaalo Beesha Caalamka ay wado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor