Qaramada Midoobay oo dalbatay in la bixiyo lacago horay loogu ballan qaaday

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniintii ka codsaday dalalka horumaray inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan $100 bilyan oo dollar, si ay u taageeraan hawlaha la xidhiidha wax ka qabashada isbedelka cimilada ee dalalka soo koraya, ka hor shirweynaha dib u eegista cimilada ee bisha November ka dhacaya dalka Masar.

Wasiirada, khubarada cimilada iyo wakiillada bulshada rayidka ah ayaa toddobaadkan ku shiraya caasimadda dalka Congo ee Kinshasa, si ay u diyaariyaan ajandaha shirka bisha November ee loo yaqaano COP27, kaas oo ka dhici doona xeebta badda cas ee Sharma el-Sheikh. Shirkaas ayaa la filayaa inuu socdo inta u dhexeysa 6-da bisha illaa 18-ka bisha November.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalalka horumaray ee ku bahoobay ururka G20 inay yihiin kuwa caalamka ku sii daaya qiiqa ugu badan, taas oo qiyaas ahaan noqonaysa 80% qiiqa dunida ee hawada lagu sii daayo. Iyada oo ay taasi jirto, ayay haddana ka gaabiyeen inay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan illaa $100 bilyan oo wax lagaga qabto isbedelka cimilada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor