Qaramada Midoobay oo beenisay in Saraakiil ka tirsan UN-ka lagu qarxiyey Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ee loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo Maanta ka dhacay wadada 21-la October ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa, iyagoona Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay oo u badan shacab wadada marayey xiligii uu qaraxu dhacaayay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa beeniyay in qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, iyagoona xusay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Kolonyo ay la socdeen UN-ka la qarxiyey.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri Qoraalka Qaramada Midoobay.

Inta la xaqiijiyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 5 Askari, halka 5 qof kalena oo shacab ahaa ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalo, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxii Maanta, iyagoona tilmaamay in qarax la beegsadeen kolonyo ay wateen Saraakiil Caddaan ah, isla markaana qaraxa uu burburiyay mid kamid ah kolonyada, halka kuwo kalena ay waxyeelo gaartay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor