Qaramada Midoobay oo Baaq Deg-deg la xiriira Somalia u dirtay Beesha Caalamka

Madaxa Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed.

Martin Griffiths oo la hadlay shabakadda Al-jaseera ayaa codsaday in loo baahan yahay kaalmo lacag hal bilyan oo  doolar ah oo bilaha soo socda lagu taakuleeyo dadka ku barakacay abaaraha ee gudaha Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan oo qof lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto iyo gargaar tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in hey’adaha samofalka ay dowladda Soomaaliya gacan ku siiyaan dadaalka ay ugu jiraan wax uqabashada dadka ku barakacay abaaraha ee ka jira gobolada dalka.

Qaranka Soomaaliya ayaa haatan wajahaya abaartii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah,ka dib sanado badan oo abaaro isxigxiga oo aan horay looga baran dalka. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 345 milyan oo qof ay wajahayaan gaajo adduunka oo dhan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor