Qaliin: Mataano hal Beer wadaagay oo la kala waaxay.

Dhakhaatiir u dhalatay dalka India ayaa ku guuleystay Qaliin Mar-la-arag ah oo ay ku sameeyeen labo ilmo oo mataano ah, kuwaasi oo isaga dheganaa Laabta, isla markaana uu ka dhexeeyo Hal beer.

qaliin 3Koox ka kooban 30 Hawlwadeeno Caafimaad oo isugu jiray Dhakhaatiir Khibrad leh iyo Kalkaaliyayaal ayaa ku guuleystay Qaliinkaasi oo ahaa mid lagu badbaadinayey nolosha Mataanahaasi oo ah gabdho 3 bilood jir ah. Carruurtaasi waxay bishii August 27-dii ee sannadkan ku dhasheen Isbitaal ku yaalla magaalladda Barara ee dalka India.

qalin 4Markii ay dhasheen gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Jannat iyo Mannat waxa uu miisaankooda ahaa 6lbs 6oz. Takhasus-yahanadda Machadka The Post Graduate Institute of Medical Education and Research (PGIMER) ayaa baaritaano ku sameeyey Ilmahaasi oo isaga dheganaa Caloosha iyo qeybta sare ee Laabta, waxayna ogaadeen in lagu sameyn karo Qaliinkaasi. Waxayna guda-galeen Qaliinkaasi geesinimadda leh oo socday muddo 8 saacadood oo xiriir ah, iyadoo lagu guuleystay Hawlgalkaasi.

qaliin 1Dr Ravi Kanojia oo Professor ka hawlgala Waaxda Qaliinka ayaana hoggaaminayey kooxda fulisay Qaliinkaasi, wuxuuna sheegay in fursadaha carruurta ku dhalatay sidaasi in 500,000 oo carruurta dhalato laga heli karo hal cunug oo saas ku dhasha. Waxa uu intaasi ku daray inuu yahay Hawlgalkii Qaliin ee ugu horreeyey ee ay ku guuleystaan Machadka PGIMER.

“Waxaan helnay inay Matanayaasha wadaagaan Hal Beer, laakiin, nasiib-wanaag qeybaha kale ee jirkooda waa u kala qeybsanaa” ayuu yiri Prof. Ravi Kanojia, wuxuuna xusay in markii Carruurta lagu sameynayey Qaliinka uu miisaankooda guud ahaa 4.2 Kg.

qaliin 5Aabaha dhalay Carruurtaasi oo lagu magacaabo Mohamed Saliim waa shaqaale maalintii soo hela £4 (Afar Geni) oo keliya waxa uu u mahadceliyey Shaqaalaha Caafimaadka ee Machadka PGIMER.

“Dhakhaatiirta waxay ahayd Rajadeydii ugu dambeysay, mana jirto qof kale oo Mataanaha uga fiicnaan lahaa Dhakaatiirta joogta Isbitaalka” ayuu yiri Aabahaasi oo aan awood u lahayn inuu Carruurtiisa daaweeyo.

Hooyadda dhashay Carruurtaasi o lagu magacaabo Sonia ayaa sheegtay inuu Ilaahay u aqbalay Salaadooda, maadaama ay ka walaacsanaayeen carruurtooda saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Waxay u mahadcelisay Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha Caafimaadka oo Mataanayaasha ka war hayey bilihii la soo dhaafay.

Dhakhaatiirta Machadka PGIMER waxay sheegeen in Carruurta Isbitaalka laga saari doono Khamiista soo scota, iyadoo Hawsha qaliinkaasi ku fuliyeen si Samafal Aadaminimo.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor