Qadkii Internet-ka ee K/Somalia oo dib Hawada ugu soo laabtay iyo weli cilad jirta

Waxaa galabta dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka oo in ka badan 30 saacadood ka maqnaa gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dareemay maqnaanshaha Adeega Internet-ka oo hawada laga waayey baqanimadii shalay.

Internet-ka oo intiisa badan ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta Somtel, Hormuud iyo Somnet ayaa mar kaliya go’ay shalay barqadii, waxaana la sheegay inay cilad ka dhacday dhinaca fiilada Fiber optica ee badda dhex-taalla.

Mudada uu go’naa qadka internet-ka ayaa waxaa uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Shirkadaha, Xafiisyada dowlada, Xawaaladaha, iyo meelo kale, waxaana meesha ka baxay xiriirkii shacabka ee baraha bulshada, waxayna dadku iska wacayeen telefanada caadiga ah iyagoo Isweydiinayey waxa ku dhacay internet-ka iyo cilada jirta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan ay Injineero ku howlan yihiin sidii ay u cilad bixin lahaayeen Internet-ka dalka, isla markaana maqnaanshaha qadka  uu la xiriiro cilad farsamo oo dhacday awgeed, welina ay jiro cilada, balse lagu howlan yahay cilad bixinteeda.

Dhacdadan ayaa shacabka Magaalada Muqdisho soo xusuusisay markii sidan oo kale Qadka Internet-ku uu go’ay bartamihii sanadkii 2017-dii ka dib markii markab ganacsi oo ku sugnaa xeebta Muqdisho uu jaray keybalkii qadka Internetka Fiber optica.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media