Qabuuro-wadareed laga hely Waqooyiga dalka Syria

Wasaarada Difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in maydadka 35 qof oo lagu aasaay Qabuuro-wadareed laga helay Degmadda AFRIIN ee Waqooyiga dalka Syria.

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka ayey Wasaaradu ku sheegty in laga yaabo in tirada maydadka sii kordhaan.

Kooxaha Hubeysan ee PKK iyo YPG ayana lagu eedeeyey inay Qabuurahaasi ku aaseen maydadka dad ay dileen bishii Janaayo ee sanadkii 2018-kii.

Deegaanada laga helay Qabuurahaasi waxaa ka hawl-gala Maleeshiyada Kooxda YPG ee ay Milliteriga Maraykanka taageeraan, kuwaasi oo Deegaanadaasi laga saaray sanadkii 2018-kii.

Dhinaca kale, Maleeshiyadda Kooxda PKK waxay guluf colaadeed ka wadeen Turkiga in ka badan 35-sano, iyadoo ka mas’uul ah dilka in ku dhow 40,000 oo qof

Dalalka Turkiga, Maraykanka iyo kuwa Midowga Europe waxay Kooxdaasi ku dareen Liiska Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor