Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta Farmaajo oo socota

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaas tegaya.

Dadweyne farabadan ayaa haatan ku sugan Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, kuwaasi oo loo diyaariyay soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo daqiiqado kadib tegaya Caasimadda Galmudug.

Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid siweyn loo adkeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media