Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madaxda oo ka socota Afisyooni

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni ayaa waxaa ka soconta qaban-qaabadii ugu dambeysay ee uu ku furmayo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee halkaas ka dhacaya.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ayaa Goor dhow bilaabay inay sii tagaan Howlka Teendhada Afisyooni, iyadoona kolonyo galbineysay Madaxweyne Farmaajo gaartay Xarunta, sida lagu arkayay Muuqaalo lasoo duubay.

Sidoo kale Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo xubno kale ayaa la filayaa inay tagaan Afisyooni, si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda ee Maanta furmaya.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galkooda shirkaas.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiiskii Guddiga Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo, waxaana goobta lagu qabanayo Shirka amnigeeda sugaya Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor