Qaar kamid ah wafdigii la socday Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu karantiilay Imaaraadka

Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Waxay dadku is weydiinayeen halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay. BBC-da ayaa la xiriirtay ilo wareedyo ka agdhow Madaxweynaha waxayna xaqiijiyeen in qaar ka mid ah wefdigii la socday Madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka corona.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu haatan caafimaad qabo laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wefdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu la haa hogaanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Soomaaliya aya War ay ka shaaciso safarka  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ugu dambeeyay Warkii ahaa in Madaxweynaha uu safar  ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta, oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Sheekh Maxamed Binu Saayid. Intaas kadib wax war ah laguma soo daabicin Bogga Villa Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor