Qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo sababta keentay

Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay yihiin kuwo xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaaladan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, isla markaana diidaya in la maro, waxaana ay u ogal yihiin oo kaliya gaadiidka ay la socdaan Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta dowladda.

Waddooyinka ayaa xiran ayaa dhamaantood ah ku gala Garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yariisow ee degmada Cabdicasiis, waxaana laga xiray Isgoysyada, Jiiro ee Kaaraan, maanabooliyo, Jubba ilaa iyo Xamarweyne.

Dadka ayaa ah ah kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba ku tegaya lugta, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in galabta Garoonka Eng. Yariisow ka dhaceyso Ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka kubadda cagta dagmooyinka Gobolka Banaadir oo ay isagu soo hareen kooxaha dagmooyinka deriska ah ee Cabdi-Casiis iyo Shangaani.

Galabta waxaa la filayaa in Garoonka ay soo buux dhaafiyaan taageerayaal farabadan, maadaama Ggaroonka uu taageerayaasha labada kooxda u sahlanyahay imaatinka, waxaana la adkeeyay amniga Garoonka oo buux-faadhiyeen Ciidamo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media