Qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda oo digniin Culus loo diray

Xaafiiska Hantidhawrka guud ee dalka ayaa digniin u diray wasaarado iyo Hay’ado dawladeed,kuwaaso oo ku howlan Talaabooyin aan sharci aheyn xiligan kala guurka ah, ee dalku marayo.

Wa-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xaafiiska Hantidhawrka guud ee dalka ayaa lagu sheegay in dhawaanaahan uu waday baaritaan lagus ameeyay wasaarado iyo Hay’ado dowli ah, kuwaasi faraha kula jira sida lasheegay  arrimo sharcid arro ah, oo sameeyn dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ku leh dalka.

Xafiiska ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in ilaa iyo afar Wasaaradood uu dabagalku sameeyay,kuwaasi oo kala ah Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda, Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka.

Sidoo kale Xafiiska ayaa faray hay’adaha ay quseyso in ay hakiyaan heshiisyada ku aaddan kalluumaysiga ee wasaaraddu gasho iyo sidoo kale in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo qandaraasyada iyo hubinta badeecooyinka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor