Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo  saaka xiran

Waxaa Saaka xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ahi ay yihiin kuwo lugeeynaya, maaddaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkii ay horay u isticmaali jireen Qaarkood.

Ciidan farabadan ayaa lagu soo daadiyay Isgooysyada qaar, waxaana ay waddooyinka ka celi nayaan gaadiidka dad weynaha ee sida joogtada ah u isticmaali jiray waddooyinka saaka Ciidanka la dhigay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Maanta la filayo in Magaalada ay ka dhacaan laba bannaanbax oo iska soo horjeeda, waxaana Musharixiinta Mucaaradka ah ay qorsheynayaan in ay qabtaan bannaanbax ballaran oo ay kaga soo horjeedaan dowladda talada haysa, iyadoo dhanka kalena ay Dwoalddu qorsheynayso dibad baxyo lagu taageerayo, kuwaasi oo warar hoose ay sheegayaan in la qorsheyay.

Dadka shacabka ah ee saaka waddooyinka laga xiray ayaa sheegay in arrintaan ay saaka kusoo waaberiisteen, waxaana ay intaas ku dareen in tallabadaani ay tahay mid dhibaato ku ah dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maal mahaan ay ku jirtaa jahawareer siyaasadeed, waxaana magaalada ka dhacay bannaanbaxyo ay soo qaban-qaabiyeen Musharixiinta mucaaradka ah, balse dowladda ayaa horay kaga hortagtay bannaanbax-yadaasi, waxaana hadda ay dowladdu ku howlan tahay sidii ay kaga hortagi lahayd Bannaanbaxyada dadka shacabka ah ay dhigayaan ee ay ka dambeeyaan musharixiinta mucaaradka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media