Qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo maanta xiran

Inta badan waxaa maanta xiran waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kuwaas oo loo diidayo in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay marka laga reebo gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran waxaana lagu wadaa in madaxda dowladda ay tagaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho sida Dlajirka Daahsoo,Tiyaatarka qaranka oo dib u dhis lagu sameeyay,iyada oo lagu waramayo in madaxweynugu uu xarigga ka jari doono maanta maaddama ay ku beegantahay 26-june.

Qaar ka mid ah waddooyinka xiran ayaa xitaa la arkayaa iyada oo ciidamadu ay u diidanyihiin in ay maraan dadweynaha waxaana ka mid ah waddooyinka soogala xarunta Daljika daahsoon oo lagu wado in madaxweynuhu tago si uu ubax u dhigo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media