Qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka ah oo war kasoo saaray Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Qaar ka mid ah Musharxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax khasaaro badan dhaliyay oo Galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shariif Sheikh Axmed Maadxweynihi hore Dowladdii KMG ahna Guddoomiayah madaxsha Xisbiyada Qaran ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ka hadlay dhacdadii galabta ka dhacday Gaalkacyo.

“Waxaan murugada la wadaageynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, innagoo ka tacsiyeynayna walaalihii nooga geeriyoodey qaraxii argagixisadu ku weerareen magaalada Gaalkacyo. Waxaan si gaar ah tacsi ugu direynaa taliska ciidanka xoogga dalka, dowlad goboleedka Galmudug, qoysaskii, qaraabadii iyo saaxiibadii ay marxuumiintu ka baxeen.Argagixisadu malahan wax naxariis ah sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed madax iyo shacab inay gacmaha isku qabsadaan sidii loo cirib tiri lahaa” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

Dhanka kale Cabdiraxmaan C/Shakur Warsame Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Qaraxa, waxaana uu sheegay in mudnaanta la siiyo amniga, xasiloonida siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta.

“Allaha u naxariisto dadweynaha, saraakiisha iyo howlwadeennada kale ee ku shahiiday qaraxa uu naftii haligaha ka tirsan argagixisada Al-shabaab uu galabta la beegsaday dadkii isugu soo baxay Garoonka C/llaahi Ciise ee magaalada Gaalkcayo. Qaraxyada iyo weerarada argagixisada ay haldoorka iyo shacabka ku gumaadayaan, waxay waajib diini ah iyo mid waddani ka dhigaysaa in mudnaanta la siiyo amniga, xasiloonida siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta” ayuu yiri CC Shakuur.

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashya Qaraxaasi, waxaana wararku tibaaxayaan in dhimashadu ay ku dhawdahay 10 ruux, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay, waxaana dadka Qaraxaas ku dhintay ka mid ah Saraakiil Ciidan oo uu ku jiraan Gaashaanle Mukhtaar oo ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug iyo taliyihii qeybta 21aad General Qooje, kuwwasi oo u geeriyooday Dhaawac culus oo soo gaaray.

Sidoo kale Qaraxa dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland Yaasiin Tumeey, waxaana jira Saraakiil iyo Askar kale oo ku dhintay Qaraxa sida wararka soo baxaya ay tilmaamayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media