Qaar ka mid ah degaanada Puntland oo loo dareeray doorasho qof iyo cod ah

Dad waynaha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee degaanada maamul Goboleedka Puntland ayaa u dareeeray doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka socda qaar ka mid ah degaanada maamulka Puntland.

Dadweynaha ayaa la arkayaa iyagoo safaf dhaadheer ku jira oo cododkooda dhiibanaya, waxaana sidoo kale goobjoog ka ah guddiga la socodka doorashooyinka madaxbannaan ee maamulkaasi.

Sidoo kale goobaha saaka cod bixintu ka socto ayaa waxaa horay loo geeyay Ciidamo farbadan oo ammaanka sugaya, xili degaanada maamulkaasi laga cabsi qabo in ay ka dhacaan falal ammaanka lid ku ah.

Balse Saraakiisha ammaanka ayaa horay u sheegay in ay amaanka xil gaar ah iska daari doonaan, si doorashadu ugu dhacdo nabad galyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor