Qaar ka mid ah dadkii laayay Saraakiishii Ciidanka Xoogga oo gacanta lagu dhigay

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah dableydii laayay Saraakiishii ka tirsana Ciidanka Xoogga ee maalmo ka hor lagu laayay inta u dhexeysa Magaalada Guriceel iyo Degmada Balamballe ee isla Gobolkaasi Galgaduud.

Waxaa la sheegay in gacanta lagu haayo shan  a mid ah Malleyshiyaadkaasi, waxaana wararku intaas ku darayan in mid ka mid ah dableyda lahaayo uu dhaawac yahay.

Ciidanka ammaanka ayaa la sheegay in ay sameeyeen howlgallo ballaran oo ay ku baadi goobayeen Malleyshiyaadka, waxaana u suura gashay in dhulka hawdka ah ee u dhaw Guriceel laga qabtay shanta ruux ee la hayo, kuwaasi oo si dhuumaaleysi ah ku joogay dhulka baadiyaha ah ee u dhaw Magaalada Guriceel.

Maamulka Galmudug aya guddi u saaray dhacdada lagu laayay lix Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga oo malleyshiyadkaasi hubeysan ay waddada u galeen, xilli ay ka bixitimen Magaalada Guriceel, ayna kusii jeedeen degmada Balamballe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media