Qaad si qarsoodi ah loo soo gelin rabay Muqdisho oo la gubay

Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa ku wareejiyay laanta Canshuuraha Ciidanka Booliska dowladda Jawaano dhowr ah oo ay ku jireen Qaad badan, kaasi oo laga dejiyay deegaanka Ceel-Macaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Booliska gaar ahaan laanta Canshuuraha ayaa Muqdisho kusoo bandhigay qaadka ay soo qabteen Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka xooga, kaasi oo ay tilmaameen in la doonayay in si qarsoodi ah  loo soo geliyo Muqdisho.

Intaas kadib Ciidanka Booliska ayaa qaadka geeyay goob fagaare ah, isla markaana halkaas ku gubay ilaa iyo 9 Jawaan oo laga soo buuxiyay qaad farabadan oo markiisa hore laga dejiyay deegaanka Ceel-Macaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal horey mamnuucday qaadkii laga  keeni jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka lagu gubay qaad farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media