Qaad si qarsoodi ah loo geliyay Somaliland oo la gubay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen qaad farabadan oo lagu waday laba gaari, kuwaasi oo si qadsoodi ah loo geliyay Magaalada Hargeysa.

Qaadka ay qabteen Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu dhamaa 200 oo kilo, waxaana ay sheegeen in qaadka la doonayay in qarsoodi ah looga iibiyo dadka shacab ah ee Isticmaala, hayeeshee arrintaas laga hortegay.

Intaas kadib Ciidanka ayaa qaadka oo lagu siday laba gaari ah geeyay goob fagaaro ah, kadibna gubay, waxaana goobjoog ka ahaa Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

Guddiga ka hortega faafida Cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa bixiyay amarka lagu gubay qaad gacanta lagu dhigay, iyagoo sheegay in qaadka uu kamid ah waxyaabaha lagu kala qaado Cudurka.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa dadka ka gacacsada qaadka uga digay in deegaanada maamulkaas ay soo geliyaan Jaadka, iyagoo xusay in cidii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono, maadaama la mamnuucay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media