Qaad si qarsoodi ah loo geliyay Magaalo oo Goob fagaare ah lagu gubay

Ciidanka ka tirsan kuwa amniga Gobolka Bari ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay qaad farabadan oo si qarsoodi loo geliyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada oo lagu soo dhex qariyay qaad farabadqn, kaasi oo la sheegay in doonayay in laga sii iibiyo dadka isticmaala ee ku sugan Boosaaso.

Intaas kadib qaadka ayaa waxaa xalay lagu gubay goob fagaare ah, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, ku-xigeenadiisa iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Booliska Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ka hortageen qorshe lagu doonayay in qaad lagu geliyo Boosaaso, xili Maamulka Puntland uu hore u mamnuucay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Taliye Xuseen Cali sheegay in marnaba aan la aqabali doonin in qaad qarsoodi ah lasoo geliyo Boosaaso, wuxuuna xusay in qaadka uu yahay mid uu ku faafi karo Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa waxaa uu Digniin u diray dadka ka ganacsada qaadka ee geeya Magaalada Boosaaso, isagoona sheegay in dadkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media