Qaad si qarsoodi ah loo gelin rabay Magaalo oo la gubay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay qaad farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Intaas kadib Ciidamada ayaa qaadka ay qabteen waxaa ay ku gubeen goob fagaare ah oo ku taalla Magaalada Garoowe, waxaana qaadka la gubay faah faahin ka bixiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay Koontaroolka laga soo galo Garoowe ku qabteen qaad badan oo la doonayay in si qarsoodi ah la geliyo halkaas.

Waxaa uu sheegay Taliye Muxyadiin Axmed Muuse in Ciidanka amniga Puntland ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah qaadka, kadib markii uu dhawaan maamulkaas mamnuucay in deegaanadooda lasoo geliyo qaad.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortego keenida qaadka, kaasi oo ka dhaqan karta faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Ma ahan markii ugu horreeysay ee uu Maamulka Puntland Goob fagaare ah ku gubo qaad badan, waxaana laba jeer qaad lagu gubay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaas

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media