Qaad farabadan oo fagaare lagu gubay iyo Digniin Culus oo la diray

Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Nugaal ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ka sameeyay howlgal lagula dagaalamayo Maandooriyayaasha khamriga iyo Qaadka.

Ciidamada ayaa howlgalka inta uu socday waxaa ay kusoo qabteen qaad farabadan si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyay gudaha Garoowe, kaasi oo la doonaya in si qarsoodi ah loo iibiyo xili arrintaas la mamnuucay.

Maandooriyaha qaadka ee lagu soo qabtay hawlgalada Ciidanka Booliska Gobalka Nugaal ayaa waxaa lagu gubay bartamaha Saldhiga dhexe ee garowe, waxaana goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, taliyaha qaybta Nugaal iyo saraakiil kale.

Taliyaha Booliska Puntland Sareeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in marnaba Maamulka uusan aqbaleyn in qaad lasoo geliyo deegaanada Puntland, maadaama uu jiro Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Taliye Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu tilmaamay in qaadka uu kamid ah waxyaabaha uu ku faafo Cudurka, wuxuuna digniino u diray dadka Qaadka soo galiya deegaanada Puntland, isagoo xusay in tallaabo adeg laga qaadi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media