Puntland oo xirtay Ganacsato badan iyo sababta ka dambeysay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta xabsi ku yaalla halkaas ku xiray Ganacsato badan, sida ay xaqiiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada.

Ganacsatada la xiray oo gaarayey tobaneeyo ayaa waxaa u badnaa rag sarriflayaal ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay fulin waayeen amarkii kasoo baxay Maamulka Puntland ee ee jaan-goynta isku-beddelka Shilinka Soomaaliga iyo doollarka.

Dad ku sugan Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada lagu daadiyay Suuqa, si ay ula socdaan fulinta amarkii Madaxda Puntland iyo qabashada lacagta Shillinka Soomaaliga ah.

Ciidamada ayaa la tilmaamay in markii horey ay arkeen ragga sarriflayaasha oo diiday qabashada lacagta Shillinka Soomaaliga, sidoo kalena qiimihii la joon-gooyay mid la duwan sarifaya lacagta, isla markaana markii dambe la xiray.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan go’aamisay in Hal dollar lagu sarrifo 35,000 oo shilin, isla markaana amar ku bixisay in la adeegsado lacagta Shilinka Soomaaliga ah, kadib markii Ganacsatada qaarkood ay diideen, taasina Banaanbaxyo ay ka dhasheen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media