Puntland oo xirtay Darawalo warar aan jirin u sheegay Bulshada Magaalada Boosaaso

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ku xirxiray qaar kamid ah Darawalada kaxeeya gaadiidka takaasida ee ka shaqeeya Magaaladaas iyo deegaanada hoostega.

Sababta loo xiray wadayaasha gaadiidka takaasida Boosaaso ayaa lagu sheegay, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen abuur ah faafinayeen, si mar kale looga bara-kaco Magaalada oo ay dib ugu soo laabanayaan qoysas horey uga barakacay..

Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay saddex Nin oo darawalo ahaa lana sheegay inay hoggaaminayeen falal lagu khal-khal geliyay shacabka iyo warar been abuur ah oo loo sheegay shacabka, iyagoona la tilmaamay inay doonayeen inay lacag ka qaatan dadka shacabka ah

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u jeediyay dadka ku hawllan wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Magaalada Boosaaso.

“Dad Takaasiley ah ayaa dadka Boosaaso barakicinaya, si ay lacag u helaan, waxaan leeyahay ka waan tooba, dhammaan ciidamadana waxaan faraynaa in ay sugaan ammaanka” ayuu yiri Dirir oo la hadlaayay Darawalo ay xireen laamaha amniga.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaalo u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Puntland iyo kuwa PSF, waxaana dagaalada ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed iyo barakac ay sameeyeen qoysaskii deganaa Magaalada oo markii dambe dib ugu soo laabtay guryahooda..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor