Puntland oo WHO u gudbisay caqabado ka heystay la dagaalanka Cudurka COVID-19

Waxaa manata booqasho gaaban xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ku tegay wafti ballaaran oo ka socday hey’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka. Hey’adda Caafimaadka Aduunka Xafiiskeeda Qaahira

Waftigaan ayaa booqashadooda la xiriirtay sidii dib loogu qiimayn lahaa sida looga  jawaabay caabuqa COVID-19 iyo sida ugu haboon ee loo sii xoojin karo dadaalllada ka dhanka ah caabuqa COVID-19,

Shir ka dhacay hoolka Xarunta Wasaaradda Caafimaaadka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda, Wasiir kuxigeenka, agaasimaha guud iyo qaar kamid ah agaasima waaxeedyada Wasaaradda,

Shirka oo waqti dheer qaatay ayaa Wasaaraddu ku soo bandhigtay warbixin la xiriirta guulaha laga gaaray caqabadaha jira iyo shaqada Wasaarddu ka qabatay dhanka wacyigalinta furida xarumaha lagu karantiilo dadka xanuunka laga helo iyo sidoo kale furitaanka ilaa 4 shaybaar oo lagu baaro xanuunka kuna kala yaala qaar kamid ah gobolada Puntland.

Wasiirka wasaaradda Dr Jaamac Faarax Xasan oo warbixinta kadib hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa yiri:

“Waxaan idinku soo dhawaynayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaan ku faraxsanahay inaan maanta kulankaan wada qaadano idinka oo ka socda hay’adda caafimaadka aduunka  WHO, waxaan si kooban rabaa inaan idinla wadaago shaqada adag ee aan ka qabanay la tacaalida xanuunka iyo caqabadaha na qabsaday bilawgii xanuunka dalka marka uu soo gaaray gaar ahaan Puntland sanadkii la soo dhaafay 2020 ilaahay mahadiis, waxaan ku guulaysanay inaan wacyigalin samayno inaan dhamaan deegaamada Puntland ka furno xarumaha lagula tacaalayo bukaanka iyo sidoo kale waxaan hirgalinay shaybaar lagu baaro xanuunka anaga oo kaashanayna Sxbadeena caalamiga ah, waxaase ugu weynaa caqabada na qabsatay Oxygenka oo wali aan isleeyahay si dhamaystiran oo qofkasta oo xanuunka laga helo aan loo wada heli karin lkn sidii hore aad uga fiicanahay.”

Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaashado dhameystirkooda, iyagoo  si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigalinta iyo heerka qaadashada talaalka COVID19 ee Puntland  oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor