Puntland oo War kasoo saartay qalabkii Caafimaad ee loogu deeqay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Qalab Caafimaad oo Maanta dowladda Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay Puntland, kuwaasi oo looga hortegayo Cudurka Coronavirus.

Madaxweyne saciid Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agabka Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland.

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus” ayuu yiri Saciid Deni.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu yiri  “Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media