Puntland oo War kasoo saartay muranka ka taagan Baarlamaanka Maamulkaas

Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Caawa War kasoo saaray muranka xoogan ee ka taagan wax-ka-beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadkooda oo ay ku kala qaybsameen Xildhibaanada Baarlamaanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay uusan jirin qodob ka mid ah xeer-hoosaadka Golaha oo ka hor-imanaya dastuurka Puntland, isla markaana sifo sharci ah loo maray wax-ka-beddelka lagu sameeyay Xeer-hoosaadkooda.

Sidoo kale Qoralka Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa looga jawaabay wareysi uu IdaacaddaBBC-da siiyay Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Kuluc oo ku sheegay in xeer-hoosaadka wax-ka-bedelka lagu sameeyay uu ka hor-imanayo dastuurka Puntland.

Weli muran xoogan ayaa waxaa uu ka taagan yahay wax-ka-beddelkii lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana sii kordhaya Xildhibaanada ku kala qeybsamay wax-ka-beddelka

Xildhibaano kooban oo taageersan Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inay doonayaan in laga laabto wax-ka beddelka la sameeyay, inkastoo Xildhibaanada intooba badan isku raacsan yihiin wax-ka beddelkan.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka uu soo saaray Guddoonka Baarlamaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor