Puntland oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Gobolka Sanaag

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay dagaal saakay kasoo cusboonaaday deegaanka Cawsane ee ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed halkaas ka wada-degta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Gudoomiye Jibriil ayaa waxaa Maleeshiyaadka ku dagaalamay Cawsane loogu baaqay inay si Deg deg ah u joojiyaan Colaada deegaankaas kasoo cusboonaatay.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka dalbaday inay ka qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa dagaalka.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhaawacantay dagaalkii ka dhacay deegaanka Cawsane ee Gobolka Sanaag, waxaana dhaawacyada la dhigay Xarumo Caafimaad oo ku kala yaalla Magaalooyinka Badhan iyo Boosaaso.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media