Puntland oo War kasoo saartay daadadka ku rogmaday Qardho

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay daadadkii ku rogmaday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Gargaar ee Puntland, kuwaasi oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa marka hore  loogu tacsiyeeyay dadkii ay xalay waxyeelada nafta iyo maalkaba leh kasoo gaartay roobabkii gu’ga ee ka curtay Puntland, fatahaadihii iyo dooxooyinkii soo rogmaday waxyeeladdii ay u geysteen Qardho.

“Waa waajib ina saaran in Maamul, Ganacsato, Shacab iyo Qurbo-joog  loo gurmado shacabka Qardho Maanta oo kale waxaa inoogala baahan yahay in kuween wax heysta ay gacan ka geystaan gurmad Qardho” ayuu yiri Guddoomiye Jibriil.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa dhamaan shacabka iyo Ganacsatada Puntland ugu baaqay inay si deg deg ah gurmad ugu fidiyaan shacabka Qardho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media