Puntland oo soo saartay tallaabo ka dhan ah Musharaxiinta Madaxweynaha

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay tallaabo ka dhan ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, xili qaar kamid ah Musharaxiinta ay ku wajahan yihiin halkaas.

Puntland ayaa sheegtay in Magaalooyinka deegaanada Maamulka aan laga taagi karin boorarka Sawirrada Musharaxiinta Madaxweynaha, sidoo kalena aan loo saameyn karin ilaa amar dambe soo dhaweyn.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ku wajahan qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoona ka saacadaha soo socda ka ambabixi doona Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka mMusharraxiinta uu yahay ka qeyb-galka shirweyne la sheegay in magaaladaasi uu uga furmayo Midowga Musharraxiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka.

Maamulka Puntland ayaa horey u joojiyay qorshe qaar kamid Musharaxiinta deegaanada maamulkaas uga furan rabeen xafiisyo, lamana oga sababta xiligaan keentay tallaabadaas lagu joojiyay soo dhaweynta Musharaxiinta ee ku wajahan Magaalada Garoowe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media