Puntland oo soo saartay amar ka dhan ah Ganacsato diidan hal Arrin

Waxaa weli xiran Suuqyada weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, sababo la xiriira Sicir barar xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ka jiray deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa soo saaray amar Culus oo ka dhan ah Ganacsatada Boosaaso, xili weli ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga, waxaana fulinta amarkaas la siiyay laamaha amniga Magaaladaas.

Saraakiisha amniga Boosaaso ayaa waxaa lagu amray inay xiraan Ganacsatada diidan in la furo goobaga Ganacsiga Magaalada, si dadka halkaas ku dhaqa ay wax u iibsadan, maadaama maalmo goobaha qaarkood ay xiran yihiin.

Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa lagu amray inay xiraan Ganacsatada diidan qaadashada lacagta Shiling Soomaaliga ah oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas laga diidayay, waxaana saakay Ciidamo badan lagu daadiyay Suuqyada iyo waddooyinka.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in sababta Ciidanka saakay loo geeyay Suuqyada ay tahay sidii ay u ogaalan lahaayeen qaadashada lacagta Shiling Soomaaliga ah, iyagoona xiri doona cidii diidan.

Puntland aaya horey u sheegay in cidii diida lacagta Shiling Soomaaliga ah laga qaadi doono tallaabo, waxaana  maalmihii dambe Boosaaso ka dhacayay banaanbaxyo looga horjeeday Sicir barar xoogan oo jiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media