Puntland oo soo dhaweysay tallaabo uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweysay tallaabada uu Ra’iisul Wasaare Rooble dib ugu saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

War-saxaafadeed Caawa kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu boggaadiyay raalli-gelinta uu Ra’iisul Wasaaraha Maanta ka bixiyey dhacadii April 2018 lagula wareegay lacag ay laheyd dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadcelisay Gargaarkii ay soo gaarsiiyeen dowladda Federaalka ee loogu tala-galay dadkii ay abaaraha saameynta ku yeesheen.

“Puntland waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale. Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaaday tallaabo uu dib ugu soo celinayo xiriirkii xumaaday ee u dhexeeyay dowladda Federalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta