Puntland oo soo Bandhigtay Natiijada Qof laga baaray COVID-19

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo Bandhigtay Natiijada kasoo baxday baaritaano  kala duwan oo lagu sameeyay Ruux looga shakiyay inuu qabo cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi ooo laga qabtay deegaanka Burtinle.

Wasiirka Wasaaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ruux looga shakiyay Cudurka uu ahaa Nin dhalinyaro ah, kadib baaritaano lagu sameeyay looga waayay Cudurka uuna Caafimaad qabo.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay Ninkaas uu kasoo laabtay dalka Itoobiya oo kamid ah dalalka Afrika ee uu ka jiro Cudurka, isla markaana la qabtay 2-dii Bishan April 2020.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Jaamac Faarax Xasan ayaa waxaa uu sheegay in deegaanada Puntland aysan jin haatan qof qaba Cudurka Coronavirus, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Maamulka Puntland ayaa wadada dadaalo dhowr ah oo ay uga hortegayaan faafida Cudurka COVID-19, iyagoo xiray dhamaan goobaha muhiimka ah ee dadka isugu tagaan,  isla markaana Bandow kusoo rogtay xiliyada habeenkii ah Magaalooyinka waaweyn ee Maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media