Puntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay War-saxaafadeed Maanta kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee looga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa sheegay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameeysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal.

Ilyaas Cabdi Dinix ayaa waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay soo hadal qaadi waayaan wanaagga iyo soo dhaweynta ay Mas’uuliyiinta Puntland iyo shacabkeeda u sameeyeen dadkii laga soo masaafuriyey Magaalada Laascaanood.

“In ay Midowga Musharrixiintu xusi waayaan kana hadli waayaan wanaagga iyo masuuliyada Puntland iyo shacabkeedu ku qaabileen dadkii Somaliland ka soo raaftay gobolka sool; waa ayaan-daro in aysan sooba qaadinin, mise qoladan waxaaba dhiba waxqabadka puntland iyo iney tahay guri lagu soo dhaweeyo qofkasta oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir Dinix, xili Puntland ay soo dhaweyn iyo dib u dejin u sameeysay dadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed, waxaana Warka Musharaxiinta aan lagu soo hadal qaadin soo dhaweynta Puntland u sameeysay dadka lasoo masaafuriyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor