Puntland oo si adeg uga digtay in Ciidanka Xooga loo adeegsado dano gaar ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Arrimo ku aadan Ciidanka Xoogga dalka, xili shalay Ciidanka ay u dagaal-dagayeen Sanad-guuradii 60-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in marka hore ay ka digayaan in dhismaha Ciidanka Xoogga dalka la siyaasadeeyo, isla markaana loo adeego dano gaar ah xili uu dalka geli doono Marxalad doorasho ah.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in loo baahan yahay in Ciidamada noqdaan kuwo ka fog fulinta danaha siyaasadeed ee gaarka ee Madaxda dowladda  Federaalka ayna qeyb ka noqdaan Gargaarka loo sameynayo shacabka xiliyada ay jiraan Musiibooyinka.

“Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu rajeeyay in dadaal mideysan lagu bixiyo sidii loo heli lahaa Ciidamo Qaran oo mideysan, isla markaana hanta dhamaan amniga iyo xuduudaha dalka, sidoo kalena ka fogaada inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media