Puntland oo sheegtay inay noqoneyso Dowlad ka gaar ah Soomaaliya

Guddoomiye k-xigeenka 2-aad ee Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland, Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Maanta ka hadlay Arrimo ku aadan Doorashooyinka dalka ka dhici sanadka soo socda ee 2021 iyo Arrimo.

Guddoomiye Ismaaciil Maxamed oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay waqtiga muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha uu ka harsan yahay muddo kooban, isla markaana aysan socon diyaar garoow ku aadan Doorashada dalka ka dhaceysa.

Waxaa uu sheegay Ismaaciil Warsame in Madaxda dowladda Federaalka ay doonayaan muddo kordhin sharci darro ah, waxaana uu sheegay in xiligaan kala guurka markii la gaaro la geli jiray heshiisyo siyaasadeed, si loo qabto Doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxtooyadda Puntland iyo xubno kale oo badan ay dhaliilo kala duwan ka qabeen markii hore qaabka doorashadu ay dhici doonto, kuwaas oo soo jeediyey talooyin kala duwan oo ah la qabto Doorasho loo dhan yahay.

Dhinaca kale Guddoomiye k-xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa ka hadlay Kuraasta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, waxaana sheegay in Puntland ay kasoo horjeedo kuraasta loo kordhiyay G/Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Puntland aysan aqbalil in kuraasta loo kordhiyo Gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay in Kuraas ay lahaayeen Gobolada Sool iyo Sanaag loo qeybiyay Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Guddoomiye k-xigeenka 2-aad ee Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in hadii lagu heshiin waayo Arrimaha Siyaasadda dalka ay Puntland dooneyso inay noqoto dowlad ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media