Puntland oo sheegtay in la bedelay Tuutahii ay xiran jireen Ciidanka PSF iyo sababta

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa shaaca ka qaaday in deriiska Ciidanka Hay’adda PSF ee tuutaha uu ka bedelay Ciidamadaas, isagoo ka hadlay sababta keentay arrintaas.

Agaasime Amiin Kheyr oo khudbad u jeedinayay Ciidamo ku sugan Saldhig ku yaalla buuradeyda Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegay inuu bedelay Tuutihii dharka ahaa ee horey u xiran jireen PSF oo dagaal kula jira kooxaha kasoo horjeeda Puntland.

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa sababta uu u bedelay Tuutaha ku sheegay inuu faraha ka baxay, isla markaana uu gacanta u galay wax uu ugu yeeray cadowga, sidaas darteedna la beddelay.

Ma caddeyn cadowga uu S/Guuto Amiin Kheyr tilmaamay inuu gacanta u galay Tuutihii Ciidanka PSF, in kastoo uu xusay in Ciidankii iyo Cadowgii la kala garan waayay, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF.

Agaasime S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaan weli si rasmi ah ula wareegin xilka Taliska hay’adda, waxaana xilkaas diiday inuu wareejiyo Agaasimihii hore ee PSF ee Maxamuud Cismaan Diyaano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor